Ticker

6/recent/ticker-posts

AKhRISKA ADKAATA:XIRIIRKA QALBIGA IYO RABIGA










Adkaarta waa qayb muhim ah oo ka mid ah Nooasha muslimka. Waa kelmad katimid dikri oo macnaheedu yahay xasuusin' waxaana lamicno ah in laxasuusto ilaahay (subxaanahuu wa Tacaalaa)waqti kasta oo maalinta iyo habeenka ah. Akhriska adkaarta wuxuu leeyahay saameyn wey oo ruuxi ah, mid noololeed.iyo mid diineed

1 MxeyTahay Adkaarta?

Adkaarta waa ducada.xuska, iyo aayadaha qur'aanka ah ee la akhriyo si joogto ah waxa ka mid ah

. Adkaarta subaxa

. Adkaarta galabnimada 

. Adkaarta safarka

. Adkaarta marka musqusha marka lagalayo

. Adkaarta marka guriga lagalayo iyo marka laga baxayo

. Adkaartu waxay noqon kartaa kalmado fudud Sida:

. Subxaanaallaah

. Alxamdulillaah

. La ilaaha ill allaah

. Allaahu akbar

. Astagfiru allaah

2.Faa'duuyinka akhrska adkaarta

. ilaalinta al

Qofka akhriya adkaarta wuxuu ku sugan yahay Daryeel iyo ilaalin alle ka timid waxaa laga dhooraa sharks jiniyada, dadka, iyo musiibooyinka lama filaanka ah 

.  Qalbi daganaan iyo nabad:

Alaah wuxuu qur'aanka ku yiri (الّذين ءامنوا وتطمئن قلوبهم ألابذكر الله تطمئن القلوب)Kuwa rumeeyey ee qalbgooda xasilo markey xusaan ilaahey ogow xuska ilaahey qalbiyada ayuu  dejiyaa (suuratu alracdi aayad 28:)

. Debbie dhaaf iy ajar:

Adkaarta waxaa nadiifisaa qalbiga,waxayna kordhisa ajarka, Tusaale ahaan in la yiraahdo suxaanallaahi wabixamdihi 100 jeer maalin walba waxay sababtaa in dambiyaada la dhaafo xitaa hadey la mid yihiin humbada bada 

.  xiriir joogto ah  oo ilaahay lagu la jiro

Adkaarta waxay qofka ka dhigtaa mid si joogto ah ula xiriiro Rabigiisaa wuxuu dareemayaa in Uu ilaahay lajiro, wuxuu helaa xasilooni uu kulu kulmu  dhacdooyinka noolasha 

3. Goorta la akhriyo adkaarta

. Subax kasta kadib salaada subax

. Galab kasta salaada casir kadib

. Kahor hurdida 

. Marka aad safareyso

. Marka aad guriga gash ama aad ka baxdo

. Maraka aad wax cuneyso ama wax cabeyso

. Xiliya dhibka iyo murugada iyo wawalka

4 .maxaa lugu helaa akhriska adkaarta

. Nabad qalb iyo xasilooni

. Dembidhaaf iyo derjo sare

. Kafogaasho sheydaan

. Ka hostage musiibooyonka iyo dhibaatada

. Barako iyo iftiin noolasha ku fidaya

Gunaanad

Akhriska adkaa ma aha keliya ducada afka laga sheegayo, balse waa xasuus dhab ah oo qalbiga ka I.aaneysa,waa xiriir toos ah oo ilaahay lagula jiro waana caado wanaagsan oo ay tahay qof in kasta oo Muslim ah ka dhigto noolal maalmeedkiisa hadii akhriska adkaarta lagu dadaalo waxay nogon doontaa gaashaan nafta ka ilaali wax kasta oo xun waxayna kor uqaadaysa xiriirka naftaada iyo Rabigeeda



Post a Comment

0 Comments