Dadka tarbiyada ku xeel dheer waxay isku Raacsan yihiin muhimadda ay leedahay in Caruurta lagu barbaariyo jacalka akhriska si uu Ugu noqdo caado si joogto ah ay u sameeyaan Una jaclaadaan .tani waxay sabab u tahay Fahamka qoto dheer ee faa'iidada weyn ee Akhrisku leeyahay- cilmi- baarisyo badan ayaa Muujiyay in xiriir hoggan uu ka dhaxeeyo Awoodda akhriska iyo horumarka waxbarasho.Waxaa sidoo kale jirta xigashooyin qiimo badan oo ka yimid culimo waaweyn oo Muujinaya qiimaha akhriska.sida:
1.qofaka wax akhriya way adag tahay in la jibiyo"
2.akriska xurta ah wuxuu I baray wax ka badan wax aan ka bartay iskuulka kumunaan jeer
3.mid ka mid ah sababaha guusheyda iyo hibadayda waa inaan bartay sida buug qalbigiisa loo akhristo
4.cilmi- baare ayaa la waydiyay sababta uu u Akhriyo si joogto ah wuxuuna ku jabaabay hal Nolol kaleya igama filan
Faa,iidooyinka uu akhrisku u leeyahay ilmaha
1.wuxuu blaariya khibradiisa nolosha.
2.wuxuu u furaa albaabyo aqooneed iyo dhaqmeed cusub.
3.wuxuu ilmaha siinayaa madaddaalo iyo farxad
4.wuxuu kobciya fahamka afka,taasoo kacaawisa inuu si fiican u hadlo oo u qoro.
5.wuxuu hormariya awoodda mala- awaalka.
6.wuxuu ka caawiya ilmaha inuu naftiisa dhiso iyo inuu xaliyo dhibaatooyinka nolosha .
Sidee loo abuuraa jacalka akhriska ilmaha?
1.jacalka akhriska ee ilmaha wuxuu ka bilaabmaa guriga iyadoo waalidku tusaale fiican u noqdo. Waa muhim in ilmaha loo helo buugaag ku habboon da'diisa loono abuuro jawi wanaagsan oo akhris ah. Sida in si wadajir ah loo akhriyo buugaag ama loo qoondeeyo waqti gaar ah oo qoyska oo dhan akhriyo .
2.in lasiyo buugaag iyo majallo u gaar ah ilmaha waxaa jira maktabado iyo shirkado daawac ah oo maanta si gaar ah u daneeyaan akhriska ilmaha waxayna soo saaraar buugaag majllo iyo sheekooyin caruureed oo ku habbuun baahidooda.
3.dhiirigilinta ilmaha inuu yeesho maktabad yar oo gaar ah waa muhim in ilmaha lagu dhiirigiliyo inuu sameysto maktabad yar oo uu ku uruuriyo buugaag midab leh sheekooyin soo jiidasho leh.iyo majallo xiiso badan.
4.in si tartiib ah loola akhriyo ilmaha si aan qalbiga ilmaha ugu beerno jacalka akhriska waa in aan si tartiib ah iyo tilaab- tilaabo ula shaqeynaa.anagaa la jaanqaadeyna fahamkiisa iyo da'diisa.
5. In la tixgiliyo rabtaanka akhris ee ilmaha waa muhim in aan ogaano ilmaha waxa uu xiisaynayo. Isla makaana aan siino buugaag iyo sheekooyin la jaanqaadaya danahiisa si uu akhriska ugu arko wax xiiso leh oo uu jacal yahay .
6.meel ku habboon akhriska gudaha guriga U samee ilmahaaga meel gaar ah oo wanaagsan oo uu ku akhriyo gudaha guriga meeshaas inay leedahy iftiin kufilan iyo raaxo boxda si uu ilmhaagu ugu akhriyo si farxad leh una jaclaado akhriska iyo meesha uu ku akhriyo
7 . U qoondee waqti aad ugu akhrido ilmahaaga marka aabaha ama hooyadu ay u qoondayaan waqti ay ilmaha ugu akhriyaan sheekooyin xiiso leh oo soo jiidasho leh ,xitaa haddii uu ilmaha akhrinkaro kaligiisa waxay tani noqonaysaa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan oo lagu beeri karo jacalka akhriska ee qalbiga ilmaha .
Gunaanad: akhriska ilmaha waa maalgashi nololeed .marka uu ilmaha akhriska u arko madadaalo iyo wax uu ku
![]() |
raaxaysto ,wuxuu kobciyaa maskaxdiisa.luuqadiisa.shakhshiyadiisa iyo xalinta dhbaatooyinka
0 Comments